Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Qaraxyo ka dhacay Magaalada Boston ee dalka Maraykanka.

$
0
0

130416011623_boston_marathon_apQaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay Magaalada Boston ee dalka Maraykanka.

Labo qarax oo xoog badan oo ka dhacay halka uu ku dhammaado orodka dheer ee Marathon-ka ee magaalada Boston ayaa waxaa ku dhintay saddex qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof.

Qaraxyadu waxay dhaceen ilbiriqsiyo gudahood, iyadoo boqollaal orodyahanno ah uu tartanku gebagebo u marayay, dad badanna ay u sacbinayeen.

Sawirro television laga soo daayey ayaa muujiyay qas halkaas ka dhacay iyadoo dadku ay dhex cararayeen daruuro qiiq ah si ay dhaawaca ugu gargaaraan, iyadoo orodyahanno jahawareersan ay weli orodka ku jireen.

Dadkii daawanayay qaarkood oo dhaawac ah ayaa kuraasta dadka naafada ah lagula cararay iyadoo qaar badan oo ka mid ah uu dhiig qariyay.

Madaxweyne Barak Obama ayaa markiiba ummadda Maraykanka kala hadlay qaraxyada ka dhacay orodka marathon-ka ee magaalada Boston, waxaana uu sheegay in ay baarayaan waxa dhacay, ciddii ka dambeysayna ay heli doonaan oo ay caddaaladda hor keeni doonaan.

FBI ayaa la wareegtay hoggaanka baaritaanka qaraxyadan ka dhacay magaalada Boston.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles