Suuq Cusub ayaa Maanta laga furey Xaafada Kulmiye Ee Magaalada Bosaaso .Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose Puntland Cabdulahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaa xariga Ka jaray Suuq cusub oo laga dhisay xaafada Kulmiye ee magaalada Bossaso ee Xarunta Gobolka Bari.furitaanka Xaflada ayaa waxa Goob Joog ka ahaa duqa degmada Bossaso Xasan Cabdala Xasan ,haween iyo marti sharaf kale,waxana suuqan uu qayb ka yahay mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.
Cabdulahi Axmed Jamac Ilkajiir oo ka dib markii uu furey Suuqan la hadlay saxaafada ayaa ku booriyey ganacsatada iyo dadweynaha inay ka faa’ideystaan suuqan.
”Dowlada hoose ee degmada Bossaso waxaan ka codsanayaa in ay u cadaalad sameeyaan Ganacsatada suuqan degaysa,ganacsatada waxaan leeyahay waa in aad dhowrtaan oo aad illaalisaan Suuqa’’Ayuu yiri wasiirku.
Duqa degmada Bossaso ayaa isna sheegay in suuqan cusub loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan dadweynaha ku nool xaafada Kulmiye.
Dowlada hoose ee degmada Bossaso ayaa mashruucyo lagu hormarinayo adeegyada bulshada ka samaysay degmada Bossaso iyo deegaano hoostaga oo ay ka mid tahay deegaanka Laag,iyadoo taageero ka helaysa dowladda dhexe iyo hayadaha caalamiga ah.
|