Aqoon isweydaarsi ku aadan nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland ee Boosaaso, aqoon isweydaarsigan oo qayb ka ah olole wacyi gelin ah oo ay waddo muassasada Al-Minhaaj ayaa waxaa ka qayb gelaya 40 kamid ah nabadoonada gobolka Bari.
Qodobada aqoon isweydaarsigan -oo hal maalin ahaa- lagu gorfeeyey waxaa kamid ah: fadliga iyo muhiimadda ay leedahay dhex-dhexaadintu, kaalinta nabadoonnada iyo shuruudaha laga rabo qofka howshaas isu-xilqaamaya.
Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Maxamed Caydiid, wuxuuna sheegay in rugta ganacsigu ay kaalin weyn ka qaadatay xallinta shaqaaqooyin horay puntland uga dhacay, mar walbana ay diyaar u tahay in ay nabadda gacan siiso maadaama nabad la’aan ganacsigu uusan jiri karin.
Sheekh C/shaafic Axmed Cali ayaa itaas kadib jeediyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Muhiimadda Dhex-dhexaadinta”, wuxuuna tilmaamay in Islaamku uu si aad ugu booriyey dadka mus’limiinta ah in ay si dhaqso ah ku xalliyaan khilaafaadka dhexdooda ka dhasha.
Aqoon isweydaarsigan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo wacyi gelin ah oo ay soo qaban qaabisay muassasada Al-Minhaaj, oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada.