Ra’iisulwasaarihii hore Ee Somalia Prof Cali Max’ed Geedi Oo Waraysi Siiyey Warbaahinta Gudaha ayaa ka hadlay weeraradii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho Ee dadka badani ay ku wax yelobeen.
Prof.Geedi ayaa marka hore Tacsi U diray Ehelada Dhamaan dadkii ku geeriyooday weraradii shalay lagu qaaday Maxkmada Gobolka Banaadir kaas Oo ay Masuuliyadiisa ay sheegtay Xarakada Al shabaab.
Cali Max’ed Geedi R/wasaarihii hore Ee Somalia ayaa Weeraradaas ku macneeyay In ay Dowlada Somalia ay dhayalsatay Warkii kasoo baxay Laamaha Sirdoonka Caalamka Kaas Oo ka digayay Weeraro Qaar kood ay Qaraxyo yihiin Oo ka dhaca Magaalada Muqdisho Iyo Guud ahaanba Somalia.
Waxa Uu sheegay In Inkasoo waxaani ay qornayeen hadane Dowlada Looga bahnaa Laamaheeda Amaanka In ay taxadar badan muujiyaan Si looga gashaanto Weraro shabaab ay ka geystaan Muqdisho iyo Guud ahaan Somalia.
Hadalka R/wasaarihii hore Ee Somalia ayaa Imaanaya xili Maalmo ka Hor Dowlada Ingiriiska ay ka digtay Weeraro ka dhaca Magaalada Muqdisho.