Image may be NSFW.
Clik here to view.Baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa taageeray shirweynaha maamul u samaynta Jubaland oo Kismayo ka socda iyo ansixintii Dastuurka maamulkaas oo shalay la meel mariyey.
Mudanayaasha Barlamanka Puntland qaarkood oo maanta saxaafadda Garowe kula hadlay Xarunta Barlamanka ayaa hanbalyo u direy dadweynaha ku nool Jubooyinka iyo Gedo.
Waxay sheegeen in xubno ka tirsan golaha wakiiladu ay ka qaybgali doonaan Xaflada ka dhaceysa Kismayo ee maamulka Jubaland oo lagu wado dhowaan hadii Eebe idmo.
Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay xildhibaanadani ugu baaqeen inay taageerto rabitaanka shacabka goboladaas ku nool,halka dadweynaha ku nool Jubooyinka ay ku booriyaan inay sii wataan shirweynaha ay ugu tashanayaan masiirkooda ayna u midoobaan cid kasta oo ka soo horjeeda.