Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maamulka cusub iyo Bulshada Burtinle oo si iskaashi ah ku dayactiraya Wadooyinka Magaalada (Sawiro)‏.

$
0
0

Maamulka cusub iyo Bulshada Burtinle ayaa si iskaashi ah ku dayactiraya Wadooyinka Magaalada.

iyadoo ay cabashooyin farabadan ka taagnaayeen Burburka Wadooyinka Magaalada Burtinle ayaa  Maamulka cusub ee degmada Burtinle oo kaashanaya qaybaha bulshada wuxuu manta ka bilaabay dayactirka wadooyinka magaalada qaarkood.

Dayactirkan oo qaybtiisii ugu horaysay maamulku uu ka bilaabay wadada dheer ee dhex marta magaalada Burtinle ayaa waxaa lagu buuxinayaa dhamaan gododka iyo meelaha dayactirka u baahan ee wadadaasi oo in mudo ah burbursanayd dhibna uu ka haystay Gaadiidlayda isticmaasha.

Ololahan oo qayb ka ah barnaamijyo joogta ah oo lagu hormarinayo demada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa Maamulka cusub ee dhawaan degmadaasi loo doortay wuxuu la kaashanayaa qaybaha bulshada ee degmada iyo dawlada dhexe ee Puntland.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Burtinle mudane Liibaan Xirsi Khaliif oo saxaafada la hadlay ayaa sheehay in maamulka cusub ee degmadu uu u istaagay sidii uu wadadaas dheer u hagaajin lahaa isagoo la kaashanay dadweynaha reer burtinle iyo dowlada puntland islamarkaana loo muujin lahaa wax wada qabsi iyo isku xirnaan dhab ah.

Maamulka cusub ee degmada Burtinle wuxuu dhawaanahan ku hawlanaa sidii uu wadashaqayn toos ah ula yeelan lahaa bulshada degmada kadib markii uu shirar kala duwan la qaatay, wuxuuna muujiyaan dadaal iyo firfircoonaan dhab ah oo la xiriirta in uu wax qabad ka muujiyo meelaha ugu daran ee baahiyaha degmada iyo dadweynaha Burtinle.

Inta badan wadooyinka Magaalada Burtinle waxay baabuurtu ku qabaan dhibaatooyin farabadan wadada Laamiga ah ee magaalada dhex marta haba ugu horaysee waxayna marar badan maamuladii jiray u gudbiyeen in wax laga qabto, tanise waxay ugu horaysaa Jawaabihii ay bulshadu ka sugayeen maamuladii degmadan soo maray oo uu maamulkan cusub ka dhabeeyay.

DSCF0832 DSCF0833 DSCF0834 DSCF0841 DSCF0842 DSCF0844 DSCF0849 DSCF0851 DSCF0853 DSCF0860 DSCF0877 DSCF0878 DSCF0883 DSCF0884 DSCF0888 DSCF0836 DSCF0847 DSCF0858 DSCF0879


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369