Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa booqashadiisa u horeysay oo dibada ah ku aaday wadamada deriska, iyadoo tani ay soo afjareyso socdaaladii uu dhowaanahan ku marayay gobolada dalka.
Mr Saacid ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul wasaarenimo bishii October wax safaro dibada ah ku tagin, waxaana uu ka duwanaa Ra’iisul Wasaarayaasha ka horeeyay inay dhaqse dalka uga dhoofaan oo ay booqdaan dalalka dibada.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa waxaa socdaalkisia ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo la taliyeyaashiisa, waxaana ay ku hormari doonaan dalka Jabuuti oo dhowaan loo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub, markii uu is casilay Ra’iisul Wasaarihii hore Dileyte Maxamed Dileyte.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhowaan la magacaabay Kaamil, iyagoo ka wada hadli doona sii xoojinta xiriirka labada dal iyo adkeynta ammaanka, maadaama ciidamo Jabuutiyan oo ka socda howl galka AMISOM ay ku sugan yihiin Bartamaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Saacid iyo wafdigiisa ayaa u gudbi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo madaxda dalkaas ay kala hadli doonaan sii xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga xaga ammaanka, iyadoo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay dhowaan isaga bixi doonaan gobolada.
Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in booqashadiisa ay qaadan doonto muddo todobaad ka badan, maadaama dalalka uu booqanayo ay ciidamo nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya, madaxda dalalkaas uu kala hadli doono sii xoojinta xiriirka labada dhinac iyo ammaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu kaloo booqanayaa dalalka Uganda, Brundi iyo Kenya, inkastoo laga yaabo inay wax iska bedelaan, maadaama aanay jirin war si rasmi ah uga soo baxay Xafiiska oo ku aadan booqashadiisa iyo inta dal uu tagi doono.
Hase ahaatee booqashadiisa ayaa ah mid gobolka ku siman, gaar ahaan wadamada deriska la ah Soomaaliya uu madaxdooda ka helay caasumaad.