Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha ,Ra’iisulwasaaraha iyo Golaha Wasiirada oo Xalay Muqdisho Kulan ku Yeeshay.

$
0
0

madax2Madaxweynaha ,Ra’iisulwasaaraha iyo Golaha Wasiirada ayaa xalay kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada dalka, iyadoo kulankan diirada lagu saaray tallaabada xigta ee ay dowladdu qaadeyso kadib markii dhowaan laga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka ee saarneyd mudada dheer.

Kulankan oo ahaa mid saacado badan socday ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Afhayeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Saacid, iyo xubnaha Golaha Wasiirada.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji oo ka hadashay furitaanka kulanka ayaa sheegtay in wasaarada diyaarisay qorshayaal ku aadan qaabka ay Soomaaliya ula macaamileyso Soomaaliya, kadib markii la qaaday cunaqabateynta hubka, iyadoo xustay hadafka yahay in lagu guuleysto dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay sida ay muhiim u tahay in laga faa’ideysto qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taasoo ay ka dhawaajiyeen inay suura gelineyso dib u dhiska Ciidamada qalabka sida.

Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa markii uu soo gaba gaboobay kulanka la hadlay Radio Muqdisho, isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka muhiimka ahaa ee madaxda dowladda ay isugu yeereen Golaha Wasiirada.
Mr Ciilmooge ayaa sheegay in looga tashanayay kulankan sida loo ambaqaadi lahaa ka gudbida marxaladii hore, oo loo gudbayo marxalad cusub, waxaana uu ka dhawaajiyay in la guda geli doono dib u dhiska ciidamada qalabka sida, si ay awood buuxda ugu yeeshaan inay hantaan ammaanka guud ee dalka.

“Maadaama cunaqabateyntii hubka nagala qaaday wuxuu kulanka quseeyey sidii guud ahaanba loo hanan lahaa amniga, sidii la isugu dhafi lahaa Ciidammada Qalabka Sida, dib u dhiskooda, qalabeyntooda waxaanna dhihi karaa guud ahaanba wuxuu quseeyey sidii aan uga bixi laheyn qaabkii hore oo aan u hirgelin laheyn qaab cusub oo dalka gaarsiin kara Midnimo iyo sidii ay caalamku noo gacan siin lahaayeen maadaama hada laga gudbay qaabkii ahaa in wax naloo sheego ee inaga ayaa wax nala weydiinayaa”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in kulanka looga hadlay wafdi ka kooban 30-xubnood oo ka socda Qaramada Midoobey, kuwaasoo ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana uu xusay in wafdigan ay qiimeyn doonaan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, iyagoo la kulmi doona madaxda ugu sareysa dowladda iyo dhanaam tobanka wasaaradood.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa rajo ka muujiyey in Dowladdu ay ku guuleysato mudada soo socota dhammaanba qorsheyaasha horyaalla ee ah in dalku gaaro amni islamarkaana umadda Soomaaliyeed loosoo celiyo Midnimadeeda waxaana uu Wasiirku shacabka ku booriyey iney had iyo goor Dowladda ku taageeraan sidii ay u fulin laheyd qorshayaasha horyaala oo ay ugu horeyso dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles