Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Xoogaga Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay fiidkii ku dhex maray deegaanka Awdiinle oo qiyaastii 30-KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Sida ay sheegayaan wararka xoogaga Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaankaas oo u dhaxeeya Bardaale iyo Baydhabo, iyadoo tani ay siii kordhineyso xiisadaha dagaal ee ka jira deegaanada Bay iyo Bakool.
Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad sagaal ruux oo dhinacyadii dagaalamay ahaa ay ku dhinteen, iyadoo Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa deegaankaas ay gaareen Baydhabo xalay fiidkii.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay kula wareegeen deegaanka, isla markaana qasaare u geysteen ciidamada dowladda, waana deegaankii labaad oo Al-Shabaab 24-kii saac ee la soo dhaafay la wareegaan.
Shalay ayay aheyd markii Al-Shabaab ay sheegtay in si buuxda ula wareegtay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, markii ay isaga baxeen Ciidamadii dowladda iyo kua Itoobiya ee muddo sanad ku sugnaa.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda degmooyinka Qansaxdheere iyo Baydhabo, halkaasoo saldhigyo ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya oo muddo sanad ka hor soo galeen deegaananada gobolada koofur galbeed.