Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweyne Faroole oo dhul ku Wareejiyey Jaamacada Bariga Afrika.

$
0
0

Cabdiraxmaan-FarooleMadaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta ku wareejiyey dhul ay Dowladda Puntland ugu deeqday Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Garowe,waxana munaasibada dhul bixinta joogay maamulka Jaamacadan iyo maamulka caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Farole oo ka hadlay markii ku dhawaaqay inay dhulkan ay dawladda hoose ku wareejiso jaamacadda Bariga Africa ayaa sheegay inay dhulkan u garteen jaamacadan,madaama waxbarshadu ay ahamiyad u leedahay bulshada oo dhan, wuxuuna maamulka jaamacadda ka codsaday inay sida ugu dhaqsaha badan ay dhisto.

Gudoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Garowe Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo isna hadlay ayaa mahad balaaran u jeediyey dawladda Puntland gaar ahaan madaxweynaha oo uu ku sheegay inuu inta badan waqtigisa siiyo ka shaqaynta horumarinta arrimaha bulshada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles