War Deg Deg oo Hada Soo Gaaray Xafiiska Warbaahinta Raadreeb.com ee Magaalada Bosaaso ayaa Waxa uu Sheegayaa in Daqiiqado ka hor la qarxiyey Masjidka Al-Rowda ee Magaalada Bosaaso.
Qaraxan ayaa ahaa Bam Nooca Gacanta laga Tuuro Ah kaas oo lagu tuuray Jidaarka Masaajidka xili la Tukanyey Salaadii Cishe.
Wararku Waxay intaasi ku darayaan in aanay Jirin Khasaaro soo Gaartey Dadkii Masjidka ku Tukanayey, marka laga reebo Dhismaha Masaajidka oo Burbur soo Gaarey.
Goob Jooge ku Sugnaa Masjidka ayaa Warbaahinta Raadreeb usheegay in aanay Garanaynin Cida Soo Tuurtay Bam Gacmeedkan.
Sidoo kale waxa isla markiiba goobta soo gaaray Ciidamada amniga Boosaaso,iyagoona bilbaabay baaritaan ay ku Ogaanayaan cida falkan ka danbeysay
Wixii Faahfaahin ah Wararkeena Dame ayaan idiinku soo Gudbin Doonaa Hadii Eebe Idmo.