Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Tirinta Codadka Doorashada Kenya oo Weli Socota.

$
0
0

130227161330_kenya_elections_304x171_reuters_nocreditMagaalada Narobi ee dalka Kenya ayaa waxaa weli ka socda Tirintii Codadkii Doorashda Madaxnimo, iyadoo walwal laga qabo inay dhacaan rabshado hadii lagu dhawaaqo Natiijada Doorashada.

Natiijada ilaa hada la tiriyay ayaa waxaa ku horeeya Uhuru Kenyata iyadoo taageerayaasha Raila Odinga ay ku hanjabeen inay rabshado abuurmi hadii aanu doorashada ku guuleysan hogaamiyaha ay doonayaan.

Gudiga Doorashada Kenya ayaa sheegay in Tirinta Codadka dib loogu laabtay kadib markii qalabkiii lagu tirinayay ay shaqeyn waayeen, taasoo keentay in dhamaan mas’uuliyiinta goobaha doorashooyinka la isugu geeyo Nairobi.

“Natiijada ugu horeysa waxay soo baxaysaa maalinta beri ah, ilaa maalinta Isntiinta ahna waxaan haysnaa fursad aan ku shaaci karno” ayuu yiri Axmed Isaaq Xasan oo ah Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Kenya.

Codadkii halaabay ee doorashada ayaa sidoo kale lagu muransan yahay iyadoo Xisbiga ODM ee uu u tartamayo Raila Odinga uu codsanayo in la tiriyo codadkaas maadaama la dhiibtay, halka xubnaha Xisbiga Jubilee ay ku doodayaan inaan la tirin maadaama ay xumaadeen.

Warqadaha halaabay ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 320,000 oo cod, kuwaasoo la sheegay in dadkii dhiibtay ay qaldeen sanaadiiqdii ay ku ridi lahaayeen.

Kormeerayaashii caalamiga ahaa ayaa sheegay in doorashada dalka Kenya ay ku dhacday si cadaalad ah, balse shacabka ayaa waxay walaac ka qabaan daaha ku yimid ku dhawaaqista natiijada.

Dhanka kale, waxaa deegaanadii codadka laga dhiibay ee Kenya looga dhawaaqay xubnihii ku guuleysatay xildhibaanimada, gudoomiyeyasha gobolka iyo jagooyinkii kale ee loo tartamayay, mana jiraan wax muran ah oo arintan ka taagan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles