Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ururka Nabadda Iyo Cadaaladda oo Baaq Nabaded soo Saaray.

$
0
0

Alloow NabadDhaq-dhaqaaqa Somaaliyed nabada,midnimada ioy cadaalada codka inta damiirka,dareenka qarameed,qiirada wadniyadeed iyo garashadda walaalnimo ku saleeysan leh(Diintooda,Dalka Hooyo iyo difaacida karaamadooda u taagan)colaado sokeey, dagaal dhiig daadiin, fogaanshaha bulshada,dhaqanka liita Qabyaalada iyo durbaan u tumida qab qablayaaha diideen),Nabadgelyo,waddajir Ummadeed,walaalnimo somaaiyeed,qaranimo cadaalad leh,garsoor xaq ah,deris wadaag,ehel wadaag,dugsi wadaad,daaq iyo dhul wadaag iyo hab dhaqamedka xeerarka suuban leh nacam Wallee Nacam.

Waxaanu halkan baaq nabaded Islaanimada ku saleeysan, niyad samid leh,dareen wadaniyadeed,Somaalinimo leh ugagudbineeynaa Maamuladda PL iyo Galmudug oo luqad colaadeed iyo durbaan xiisadeed beryahan ka dhex muuqdo,anagoo si weyn u xeerineeyna waxyaabaha badan bulshadda labadaad maamul ka dhexeeya soo jireenka iyo astaamaha wanaagsan leh in eey mudan tahay xeeriintooda,waxaanu uu baaqeeynaa hogaanka 2daa Maamul,golayaasha mbarlamaanka,qeybaha bulshadda gaar ahaan:-

-Golaha Culimaa-udiinka.

-Golaha Dhaqanka.

-Ganacsatadda.

-Siyaasiyiinta.

-Daladaha Haweenka.

-Ururadda Dhalinyaradda.

-Abwaanadda.

-Qurba Jooga in si daacadnimo leh,caqli adeegsi leh,danta guud ku saleeysan looga wada shaqeeyo xasiloonida,amaanka iyo xal u raadiinta muranka ama arrinta xiisadaha jirra abuurtay,hab wada hadal leh,kalsooni leh,dhaqan Islaanimo u saleeysan iyo habka xeerka dhaqan(Nabadu macaan,Colaad Khasaare iyo Murugo xanuun badan).

Waxaanu ku baaqeeynaa joojinta ama xakameeynata luqadda colaada iyo xiisad abuurida,ka dheeraanshaha guud ahaanba waxyaabaha arrinta sii cakiraaya oo qiilka u noqon karaayo

inta yar oo dhibaatada iyo belaayo abuurida jaceyl,caqligu ha taliyo,wanaagu ha guuleeyso,nabadgelayada qiimaha weyn leh ha lagu dadaalo sii adkeeynteeda iyo garashada ahamiyada deris, degaan iyo ehelnimo wadaaga(Alloow Nabad iyo Caano) Aamiin,Aamiin,Aamiin.

 

 -B A A Q   N A B A D E E D.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-

-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

    Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.

-Mar-06-2013.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles