Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ra’iisul Wasaare Saacid oo maanta booqday xarunta Comando Boliisiya(Sawiro).

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kor meeray xarunta taliska ciidammada Booliska ee Commando Bulisiia.

Booqashada ayaa waxa uu ahaa sidii mas’uuliyiintani ay u ogaan lahaayeen xaaladda ay ku suganyihiin ciidammada Booliska Soomaaliya iyo sidii loogu dhiiro gelin lahaa howshooda. Dr. Saacid ayaa booqday dhamaan xafiisyada taliska Booliska kadibna R/iisal  wasaaraha ayaa waxa ay la kulmeen kusimaha taliyaha ciidammada Booliska iyo saraakiisha ciidammada booliska.

Taliyaha Dugsiga Tababarka ee General Kaahiye ahna kusimaha taliyaha ciidamada Booliska Axmed Dhaga-caleen   ayaa waxa uu sheegay in ra’iisal wasaaraha kulanka ay la qaateen uu ahaa mid uu   ku dhiiro gelinayey ciidamada booliska soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaailya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo  halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ammaan u jeediyey ciidammada Booliska Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay ciidamada booliska kaalinta ay ku leeyihiin sugida amaanka muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Amniga dowlada Federaalka Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta kormerrka ku tagtay taliska ciidammada Booliska ayaa sheegay in ay dajiyeen qorsho ah afarta sanno ee soo socota iyo qaabka ay ku shaqeyn lahaayeen ciidamada booliska soomaaliyeed.

DSC03721 DSC03737 DSC03743 DSC03809 DSC03828 DSC03833


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles