Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta Xarunta Madaxtoyada Garowe ku qaabiley wafdi ka socdey Dowladda Britain uuna hogaaminayo Safiirka Somalia u qaabilsan Ambassador Matt Baugh.
Madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,Wasiirka Amniga Gen.Khaliif Ciise Mudan ,Wasiirka Waxbarashada Dr.Cabdi Faarax Juxa ,Wasiirka Qorshaynta Dr.Daa’ud Maxamed Cumar iyo Saraakiisha Madaxtoyada ayaa dhankooda ka qaybgalay kulankan.
Markii uu soo dhamaadey ayay si wadajir ah ula hadleen Saxaafada,waxana uu sheegey Madaxweynaha Puntland inay ka wadahadleen Siyaasada Somalia ,Amniga iyo Hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan Puntland.
Safiirka ayaa dhankiisa ugu horey ka tacsiyeeye dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax ,isagoona raacshay in dowladiisu ka caawineyso Puntland amaanka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hanaanka Dimoqraadiyada Puntland.
Xiriir wanaagsan inuu dhexmaro Puntland iyo Britain iyo wada shaqeyn wacan Mustaqabka ayuu rajo wanaagsan ka muujiyey Ambassador Matt Baugh.
Dhinaca kale Kulan ayuu la qaatey Safiirku Saraakiisha Amaanka Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Gen.Mudan iyadoona ay fadhiyeen qaar ka mida Taliyaasha Sirdoonka iyo Nabadsugida.