Warar kasoo baxay xubna kamid ah maamulka Puntland ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in lajaray marin muhiim u ahaa isu gooshida Shabaabka koofurta Soomaaliya iyo Buuraleyda Galgala kaas oo marayay degmada Boocame ee Gobalka Sool.
Gudoomiyaha degmadada Boocame Axmed Xasssan, ayaa waxa uu sheegay in ay ka warar heleen in dagaalamayaal iyo saraakiil sare oo ka tirsan Shabaabka ay mariin ka dhigteen bartamaha Boocame si ay ugu gudbaan Galghala oo ah xaruta Al- Shabaab kasoo qorsheeyaan Weerarada ka dhaca Puntland.
Axmed Xasan ayaa waxa uu ku faanay in kadib markii ay xaqiiqsadeen in wadadaasi ay xariiriso Galgala iyo Koofurta Soomaliya ay dhigeen ciidamo qabta marka ay Shabaabku marayaan hasa yeeshee markii ay ogaadeen ay iska joojiyeen Shabaabkii in ay isticmaalaan wadadaasi.
Qaabka ay halkaasi kumari jireen mar uu kawar bixinayay gudoomiyuhu waxa uu sheegay in ay iska dhigi jiren Tabliiq si aysan dadku u garan, arintas oo ah mid leesga daba tegay, mar danbana aysan dhibci doonin in Tabliiqnimo shacabk alagu siro.