Haweeneydii u horeysay ayaa maanta loo dhaariyay Madaxweynenimada dalka Koofur Kuuriya, kadib markii ay ku guuleysatay doorashadii ka dhacday dalkaas.
Park Geun-Hye oo u dhalay Hogaamiyihii hore ee Milateriga dalkaas ayaa sheegtay inay horseedeyso wada hadalo iyo is bedelo laga galo dhinaca heshiisyada dalka Waqooyiga Kuuriya.
Ms Park ayaa la kulmeyso caqabado kaga imaanaya dalalka deriska, gaar ahaan dhinacyada hubka Nuclear-ka dalka Waqooyiga Kuuriya, hoos u dhaca dhinaca dhaqaalaha iyo muranka ka taagan dhulka xeebaha.
Waxaa ay sheegtay in mar ay shalay ka hadlaysay caleema saarkeeda ayaa ugu baaqday Waqooyiga Kuuriya inay joojiso rabitaankeeda Nuclear-ka.
Park Geun-Hye ayaa sidoo kale tilmaamay inay dalkeeda u horseedi doonto sidii nabad lagu wada noolaan lahaa Labada Kuuriya.