Maamulka KMG ee Jubaland ayaa sheegay inaysan ka qeybgeli doonin shirka Muqdisho lagu qaban Doono Maalmaha soo socda.
Afhayeen uhadlay Maamulka Kumeel gaarka ah ee Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inaysan ka qeyb galeynin shirka ay ku baaqday xukumada Soomaaliya ee looga hadlaayo maamul usameynta Jubooyinka.
Masuuliyiinta Maamulka Jubaland ayaa shalay lagu wargeliyay inay yimaadaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya si ay uga qeybgalaan shir looga hadlaayo maamul usameynta Jubooyinka hase yeeshee Maamulka Kumeel Gaarka ah ee Jubaland ayaa xalay warbaahinta waxa ay ka sheegeen in shirkaasi aysan ka qeybgaleynin.
Gudoomiyaha gudiga Farsamada maamul usameynta Jubooyinka Macalin Axmed Ibraahin kana mida saraakiisha sarsare ee Ururka Maamulka Jubaland ayaa sheegay inaysan ka qeyb geli doonin shirka lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ee looga hadlaayo arimaha Jubooyinka.
Macalinka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Shirka Muqdisho waxa uu carqalad ku yahay shirweynaha Ka furmaya magaalada Kismaayo ee maamulka loogu sameynaayo Jubooyinka sidaa daraadeed kama qeybgeleyno mana imaaneyno” ayuu sii raaciyay hadalkiisa gudoomiyaha gudiga farsamada maamul usameynta jubooyinka.
Waxa uu sheegay macalinku in Dastuurka uu dhigayo in maamul goboleed ay sameysan karaan goboladii israaca Isla Markaasina dadka degaanka faraha looga qaado Rabitaankooda iyo inay ka tashadaan Aayahooda Dame.