Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maqaal:-Qurux iyo Qiime.

$
0
0
MAQAAL11Gobolada Somaliya qaarkood ayaa lagaga maahmaahaa, Nin dheer oo cas naagtaada uga baq,
Nin gaaban oo madowna naftaada uga baq. Markaa Nin gaaban oo madow haddii Quruxdii Allaah ka qadiyey
Garasho badni raganino iyo geesinimo  ayuu buro u siiyey.
Waxaan uga Socdaa Wasiirka koowaad ee Dawladda federaalka Somaliyeed Mudane Saacid Faarax Shirdoon
Waxaa sida Maahmaahda kore ku cad ka muuqato Karti darradii lagu sheegay nin dheer oo cas.(qurxoon).
Saacid wuxuu ku yimid meesha Qaybka ay Somali Beryahaan dambe wax ku qaybsanaysay waxaana la doonayey in Isagoo aan ka tegIn
in uu Soomali oo dhan Wasiir koowaad u yahay haddana u taagnaado danaha dadka uu sida gaarka ah magacooda meesha ku joogo.
Wixii iyaga dhibaato iyo shirqool ku socdana uu ka hortago kana dagaalamo.
Maamulka loo doonayo in loo sameeyo Gobolada Jubbooyinka oo ah kan dastuurku oggol yahay ayaa waxaa dhacday in oday dhaqameedyo
Muqdisho joogo oo runtii ku hadlaya magaca beeshooda iyo dad ka soo jeeda bay iyo bakool ay sida fiinta uga qayliyeen. dadkaasina mahayaan sabab
cad oo ay ku diidaan Maamulkaas Dadkaa degaanka Jubbooyinku dhisanayaan aan ka ahayn in ay Qabiil ahaan u necab yihiin dadka degaankaa Eebbe ku abuuray..
 Markaa nacaybkoodaas iyo isku dayga is hortaaga Maamulkaa waxaa kala qayb qaatay Madaxweynaha oo aad mooddid in ay Dawladduba keligii tahay.
Halkii ay ahayd in Waaaradda hawshaas muumula samayntu ay sida tooska ah u hoostagto ay hiil iyo hooba wixii ay ku tari karto ay ku kabto
 goboladaa fawdada ka baxaya oo Maamul samaysanaya. Kuna shaqeeyso siyaadada dawlada iyo  hoggaaminta Wasiirka koowaad.
Madaxweyne  Xasan hore ayuu u caddaystay in uu ka horjeedo maamulka dadka degaanku samaysanayaan Waxaae layaab noqotay in uu haddana meelo badan
ka ankiray hadalkiisii. waxaase nasiib darro ah Wasiirka koowaad oo isagu dhowr jeer warbaahinta ka sheegay in uu taageersanyahay dhisidda maamulka
Jubbooyinka in maanta isagoo soo taagan laga xayiro diyaaraddii Ergadii reer Gedo Kismaayo keeni lahayd.
Casumaaddii isaga iyo Madaxweynuha Loo fifyeyna dhegaha ka furaysteen
Maxayse kuugu taal maamulkana waa la dhisi Reer Gedona Wey iman bal markaas siduu yeelo aan eegno.
Madaxweynahu had iyo jeer wuxuu u hanbalyeeyaa reerka Sheegtay in aanay Somali doonayn. haba u darraatee wxuu bogaadiyey doorasho ku sheeggoodii
iyagoo dagaal ka socdo Xuddun oo dadkeedu leeyihiin waar ananaguy somaliweyn ka yar ma oggolin  kuwa kalena leeyihiin khasab ku codeeya.
Wuxu Madaxwyne Xasan yiri Dooashada ayaan ugu hanbalyeynayaa sida fiian u dhacday.
Halka ay ahayd in uu reer Khaatum oo isku dayey in aaan dhulkooda doorasho ka dhicin u hambalyeeyo… wahe murugo weynaa.
Haddii uu dhiig leeyahay sow wax kama yiraahdeen Saacid arrinkaa.
Waxaan weli xasuustaa hadalkii uu Mdaweynuhu ku yiri dadkii isu sootaagay Jagada wasiirka koowaad oo lixdan qof ku dhowaa.
Waxaan idinka dooraty Saacdi Faarax shirdoon  sababta kaliya oo aan u doortayna waa ninka kaliya oo aan isnaqaanno.
Marka la eego arrimaha dhacaycaya hadda oo hawshii Dawladda iyo madaxweynenimoba hal nin isku qaatay. Waxaan leenahay
dawladda waa lagu khasaaaray wixii laga filyeyna noqon weyday. una malayn mayo in tani meel inna gaarsiinayso.
Sowtii Hadraawi jeer hore yiri
Qarandidu libaaxay ku qaraabataayoo
Soo Qabo Tiraahdaa qoonkiyo Biciidkee
Qudde Quudhsigii diid
Farasna qiimihiisii qurux buu ku doorsaday.
 
Mohamed Salah ’DALAMAR’
SYDNEY,AUSTRALIA.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles