Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Xukuumada Soomaaliya oo shir wada tashi ugu Baaqday Gudiga Maamul u Sameynta Jubooyinka.

$
0
0

SaacidXukuumadda Soomaaliya ayaa casuumaad u gudbisay guddiyada qaban-qaabada shirka maamul u sameynta Jubbooyinka, kuwaas oo loo soo jeediyay inay isugu yimaadaan kulan wada-tashi ah oo 26-ka bishan February ka dhacaya magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay xafiiska raysul wasaare Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay in shirka ujeeddadiisu ay tahay in laga wada tashado qaabka maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageersan tahay in dadka ay sameysataan maamulkooda.

Shir lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Kismaayo oo maamul loogu sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka ayaa dib u dhacay.

Halkan ka Akhriso Codsiga ay Xukuumadu udirtey Gudiga Maamul u Sameynta Jubooyinka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles