Kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen wax garadka iyo siyaasiyiinta beesha Sade (Mareexaan) oo lagaga soo horjeedo shirka lagu wado inuu dhowaan ka furmo magaalada Kismaayo ee lagu doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay ka hadleen waxgarad iyo siyaasiyiin ka wada tirsan beesha Sade ayaa si isku mid ah u sheegay inay shirka lagu wado inuu Kismaanyo ka dhico dhowaan ay ka biyo diidan yihiin isla markaana farta ku goday inaan si dhab ah loogu wada dhamayn, waa siday hadalka u dhigeene.
Ex-Xildhibaan Cali Xaashi Maxamed Aadan oo ka mid ahaa waxgaradkii goobtaasi ka hadlay ayaa si weyn u carabaabay inay kasoo horjeedaan shirkaasi, isla markaana tilmaamay in waxii kasoo baxana aysan aqbali doonin.
‘’Shirkaas la doonayo dhowaan in maamul loogu sameeyo gobolada jubooyinka iyo gedo waxba kalama socono mana aqbali doono waxii maamul ah ee lagu soo dhiso ‘’ ayuu yiri Cali Xaashi.
Sidoo kale, Ex-Xildhibaan Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab) oo isna ka mid ah waxgaradkii beesha Sade ee kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa xusay inay ugu baaqayaan dadka ku abtirsada beesha Sade ee ka qayb gelaya shirka Kismaanyo inaysan metelin beesha Sade, waa siduu hadalka u dhigaye . ”Nama meteleen xubnaha la sheegay inay kasoo jeedaan beesha Sade ee ka qayb gelaya shirka waana ogaysiinaynaa inay iskaga soo baxaan oo dadkooda wax la qabaan,” ayuu yiri Nuur Cali Xasan.
Si kastaba ha ahaatee, shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ka dhaco magaalada Kismaanyo ee xarun goboleedka Jubada Hoose.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.