Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Aqoonyahanad Ifraax Cabdinuur Faarax oo dadaal ugu Jirta Kor u Qaadista Waxbarashada Haweenka(Sawiro).

$
0
0

Ifraax Cabdinuur Faarax oo ah Aqoonyahanad Soomaaliyeed gaar  reer Puntland ah ayaa dadaal dheer waxay  ugu jirtaa Kor u Qaadista Waxbarashada Haweenka Soomaaliyeed iyo weliba sidii ay Siyaasada dalka Qeyb uga noqon lahaayeen.

Aqoonyahanad Ifraax oo xiligan ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa Mar ay Saxaafada la hadashay  xustay in Haweenka Soomaaliyeed ka siman yihiin inay helaan kaalinta ay ku leeyihiin Doorashada 2016,waxayna sheegtay inay jiraan Dumar  badan oo aqoon uleh Arimaha dalka.

Aqoonyahanad Ifraax oo mar walbana u taagan sidii haweeenka Soomaliyeed meel walba ay joogaan uga caawin laheed dhan walba sida waxbarashada iyo arimaha caafimaadka iyo sidoo kale sidii looga caawin lahaa heweenka somaliyeed xirfado ay ku shaqeystaan.

Sidoo kale  Aqoonyahanad Ifraax ayaa Xustay  in haweenka Soomaaliyeed tan iyo burburkii Dawladdi dhexe ee Soomaaliya ay la kulmeen dhibaatooyin kala gedisan,xilligaan ay u baahanyihin in si weyn loo caawiyo.

Ifraax ayaa Haweenka ku Boorisay inay sii wadaan kaalintooda lama illaawaanka ah ee ay ku badbaadiyeen dalka iyo dadka Ifraax ayaa ardayda dugsiyada sare ee magaalada muqdisho ku borisay iney wax bartaan si ay nolol u helaan iyadoo sidoo kale u sheegtay ardaydaas Faa’iidada waxbarashadu ay leedahay.

Ugu Danbayntii Aqoonyahanad Ifraax Waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka shaqeyso sidii haweenku ay ku heli lahaayeen Kaalinta Haweenka ayna xoojiso hawlaha ay bulshada u hayaan.

3 12721874_564726733695393_138568651_n 12900059_564730223695044_213350038_n 12910427_564726320362101_817673915_n 12919146_564727050362028_1135786363_n 12325144_564731027028297_1722691888_n 12884527_564726620362071_1158335131_n 12900166_564726397028760_397404989_n 12910850_564729057028494_1427596455_n 12596165_564730313695035_774787243_n 12596166_564727267028673_846726680_n 12895311_564730283695038_1183386496_n 12899784_564727500361983_277713789_n 12900239_564726503695416_1281407542_n 12910234_564726887028711_1687735531_n 12911001_564727387028661_383247176_n 12919040_564727653695301_1687168546_n

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles