Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

R/Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahim.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo xanuun hayey muddooyinkii ugu danbeeyay u geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xukuumadda, dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim, isagoo sheegay in marxuumku door weyn ka soo qaatay dib-u-soo kabashada dalka.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahiminuu Jannatul Fardawsa ka waraabiyo, eheladiisa, asxaabtiisa, iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa lillaahi wa innaa Ilaahi raajicuun.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles