Guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa galabta ku dhawaaqay in uu dib u dhacay shirkii maamul u sameynta gobolladaas ee la filayay in uu maalinta berri ah ka furmo magaalada Kismaayo.
Guddoomiyaha guddiga Macallin Maxamed Ibraahim ayaa ka sheegay shir jaraa’id in uu shirka dib u dhacay kaddib markii casuumaddii ka soo qeybgalka aysan ka soo jawaabin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay shirka furaan.
Macallin Maxamed Ibraahim ma uusan sheegin waqtiga la qaban doono shirka, balse wuxuu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.
Guddiga farsamada ayaa dhawaan sheegay in shirka uu yahay mid maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka, looguna talagay in ay ka soo qeybgalaan 500 oo qof oo ergooyin ahj, oo isugu jira dowladda federaalka, urur goboleedka IGAD iyo dadka deegaanka.