Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maxkamad ku taal dalka Brazil oo xanibtay hantida Neymar.

$
0
0

Maxkamad ku taala dalka Brazil ayaa fariisisay hantida Neymar oo ah xidig caan ku ah kubadda cagta.

Maxkamadda Faderaalka ee Sao Paulo ayaa ku dhawaaqday in ay soo saartay ruqsadda lagu xayirayo handida laacibkaasi u dheela qaranka Brazil iyo naadiga Barcelona.

Hantidaas waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 50 milyan oo doolar waxaana ka mid ah diyaarad iyo Markab.

Neymar oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay in uusan canshuur bixinin 2011 iyo 2013-kii wuxuuna wajahayaa dacwad. Laakiin wuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay.

“Ciqaab qalafsan ma aha”

Waxyaabaha la xanibay waxaa ka mid ah saddex shirkadood oo ay qoyskiisu leeyihiin.

Dacwad oogayaashu waxay Neymar ku eedaynayaan in uu shirkadahaas u samaystay si uu u bixiyo canshuur raqiis ah.

Waxay ka dalbanayaan in uu bixiyo 63.6 milyan oo lacagta Brazil ee reias loo yaqaano oo u dhiganta 16 milyan oo doolar.

Maxkamadda ayaa amartay in hantidiisa la fariisiyo si uu u bixiyo lacagtaas loo haysto iyo waliba tu kale oo ay macquul tahay in lagu ganaaxo.

Hanti dhawre ka tirsan waaxda canshuuraha Faderaalka ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in Neymar uu wali racfaan ka qaadan karo go’aankaas ayna aad u hoosayso macquulnimada ah in la xiro

Wuxuu intaas ku daray in hadduu bixiyo waxa lagu leeyahay markaas kiiska sidaas lagu lagu xiri doono shuruucdooduna aysan aad u qalafsanayn.

Isla bishan Neymar iyo aabihii ayay maxkamad ku taala caasimadda Spain ee Madrid su’aalo ku waydiisay isaga oo loo haysto eedaymo kale oo la xiriira sidii uu ugu soo biiray kooxda Barcelona.

Neymar sidoo kale waa uu diiday in uu wax khalad ah sameeyay markii uu kooxda ku soo biirayay.

Source:-BBC.

Neymar-Jr-Body-Measurements


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles