Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Gaas oo Adis ababa lagu Soo Dhoweeyey(Sawiro).

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16-Feb-2016 siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Addis ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya, halkaas oo Madaxweynuhu uu ku tegey marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda ugu sarraysa Dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha Dawladda Itoobiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa kusoo dhoweeyey xubno ka socoda golaha Wasiirada Dawladda Itoobiya oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom, Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske, Wasiirka Arrimaha Bulshada,  Wasiirka Ganacsiga, Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Ambassador Wondimu Asamnen iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ay weheliyaan , Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske  iyo Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Wondimu Asamnen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Masuuliyiintii  ay kulanka wada qaateen ayaa waxay  kawada hadleen Xaaladda Guud ee Soomaaliya iyo gaar ahaan xaaladda Puntland iyagoo kulankooda intiisa badan diiradda ku saaray horumarka baaxadda leh ee ka socda Puntland iyo sidii laysaga  kaashan lahaaa  la dagaallanka kooxaha Argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala hadlay Madaxdii uu la kulmay sidii Itoobiya ay maalgashi uga samaysan lahayd Puntland si dhaqaalaha Puntland ee kobcaya uu dad-dar usii yeelan lahaa isla markaana ay  uga faa’iideysan lahaayeen  kumannaanka dhallinyarada ah ee sannad walba kasoo qalin jebinaya Jaamacadaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maalmaha soo socda waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dawladda Itoobiya oo uu kamid yahay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, golihiisa xukuumadda, xubnaha beesha Caalamka iyo midowga Afrika ee ku sugan Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
8aecf78d-bb64-47f7-89e8-931930111120
Image may be NSFW.
Clik here to view.
593fed39-1a36-4737-a0c2-34f5eee18db5
Image may be NSFW.
Clik here to view.
2931ed1b-f739-4ffa-9a26-df39d86bc545
Image may be NSFW.
Clik here to view.
ca321798-f4e1-4f15-bed8-0e410fce2d82
Image may be NSFW.
Clik here to view.
e38fd4c1-fcc4-4e14-9a0c-acc5200da88d
Image may be NSFW.
Clik here to view.
f0a0658a-fa5b-4657-9d53-3c48c8ff52e7
Image may be NSFW.
Clik here to view.
227089a8-576f-44cc-9474-023c86fb7460


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369