Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Puntland Mudane.Axmed Cali Xaashi ayaa Maanta ku dhawaaqay afartii Xubnood ka harsanaa Gudiga Doorashooyinka Puntland ee Shan ka mid ah Madaxweyne Gaas Shalay Magacaabay.
Gudoomiye Xaashi ayaa Wareegto ku Magacaabay Xubnaha Magacyadan Hoose ku Qoran:-
1-Eng.Cabdirisaaq Xuseen Gacayte Wasiirkii Hore ee Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Xukuumadii Faroole.
2-Dr. Siciid Maxamud Xirsi (Diraac)
3-Eng. Maxamed Axmed Siciid (Jacfar).
4-Axmed Xasan Bille.
Guddigan Doorashooyinka Puntland ayaa tiro ahaan noqonaya 9-Xubnood iyo Xoghaye,waxayna iska soo dhexdoraan Gudoomiyaha Gudiga.
Halkan Hoose ka Akhriso Tirada Magacyada Gudiga Doorashada oo Dhamaystiran:-
1-Eng.Cabdirisaaq Xuseen Gacayte Wasiirkii Hore ee Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Xukuumadii Faroole:-Xubin.
2-Dr. Siciid Maxamud Xirsi (Diraac)-xubin.
3-Eng. Maxamed Axmed Siciid (Jacfar)-xubin.
4-Axmed Xasan Bille,Xubin.
5-Cabdulaahi Cali Nuur , Xubin
6-Maxamed Cabdille Faarax,Xubin
7-Naciima Cabdiraxmaan Guuleed ,Xubin
8-Axmed Maxamed Cali,Xubin
9-Maxamuud Soofe Xasan ,Xubin.
10-Maxamed Siciid cumar (Kashawiito)-Xoghayn.