Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay Michael Keating iyo wefdi uu hogaaminayay, ayaa maanta ka dagay magaalada Cadaado.
Keating iyo wefdiga la socda waxaa halkaas ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.
Ujeeddada socdaalka keating, ayaa la sheegay in ay tahay in maamulka Galmudug ay kala hadlaan go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha wada-tashiga ee dhowaan lagu soo gabobageeyay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hadal kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin socdaalka wefdiga beesha caalamka uu maanta ku tagay magaalada Cadaado.
Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Uganda, Itoobiya, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa horay u tagay magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, si maamullada ka jiro magaalooyinkaas ay ugu qanciyaan go’aankii shirka madasha wada-tagiga ka soo baxay.
Balse maamulka Puntland, ayaa ka biyo diiday in ay qaataan go’aankii ka soo baxay madasha.