Boqor Burhaan ayaa ka xanaaqay kulamaddii Garowe,isagoona ku laabtay xarunta Isbedel doonka Puntland ee Qardho.
Galinkii danbe ee shalay ayuu dib ugu laabtay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar Boqor Burhaan Boqor Muuse oo sida wararka soo baxaya sheegayaan ay ka danbeysay ka dib markii loo wakiishay inuu soo xiro xaflada shalay Garowe loogu qabtay sanad guurada 1 aad ee xafiiska UNSOM Islaan Ciise Islaan Maxamed , Sidoo kalena uu shir gudoomiyey kulankii shalay dhex marey Issimada iyo Nicholas Kay.
Boqor Burhaan oo aan ka qeyb galin kulanka Issimada iyo Ergeyga gaarka ee QM Somaliya u fadhiya ayaa si weyn uga carooday qorshayaal uu ku doonayay inuu shir gudoon ku noqdo islamarkaana uu kusoo xiro xaflada UNSOM oo uu ka mid ahaa Issimadii lagu casumay Boqorku.
Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo tan iyo wixii ka danbeeyey xilligii ay doorashooyinka ka socdeen Puntland soo kala dhex gashay kala aragti duwanaansho dhex taala ayaa sabab u ahayd ku laabashada Qardho ee Boqor Burhaan Boqor Muuse madaama uu qabo Islaan Ciise in looga danbeeyo arrimaha dhaqanka ee lagu marti galiyo inay ka qabsoomaan Gobolka Nugaal, oo isagu uu u yahay gudoonka guud ee Issimada Nugaal islamarkaana uusan jirin gudoon guud oo ay leeyihiin Issimada Puntland.
Xubno ay ka mid ahaayeen Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, iyo Issimo kale oo u dhashay Puntland ayaan ka qayb galin xafladii caano shubka Boqor Burhaan oo ka dhacday magaalada Qardho,ka dib markii ay arkeen khilaaf ka dhexeeya qoyska reer Boqor oo aan si dhab ah isugu raacin hogaanka saxda ee Boqorka beelaha Daarood.
Puntlandfox.com