Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Guddi U Magacaabay Wixii Ka Dhashay Weerarkii Guriga Axmed Daaci.

$
0
0

raiisal-waasaraha-cusub6Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in uu Guddi u magacaabay weerarkii Jimcihii lagu qaaday hoygii uu Degmada Wadajir ka degganaa Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci).

Weerarkaan oo la qaaday xilli dambe oo ay dadku wada hurdeen, ayaa ahaa mid si weyn dareen argagax badan leh ugu reebay bulshada ku nool Degmada Wadajir, iyadoo ay ku dhinteen dad gaaraaya     15 ruux, 20 kalana ay ku dhaawacantay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya iyo Wasiirka Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka, ayaa su’aalo looga weydiiyay, waxaana looga dalbaay in ay jawaab deg deg ah ka keenaan dareenka ka dhashay weerarkaasi.

Dr. C/weli Sheekh Axmed, ayaa isku difaacay in hawlgalka la qaaday uu ahaa mid taaba galay oo guuleystay, isla-markaana Xukuumadiisu lagu lee yahay jawaab sax ah, uuna u magacaabay Guddi ka soo turxaan bixiya.

Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Somaliya Mahad Cabdalla Cawad, ayaa wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay wixii dhacay Jimcihii, isla-markaana aan la aqbali karin noociisa oo kale.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles