Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Warbixin+Sawiro Howlgalkii Maanta ee Degmada Wadajir-Muqdisho.

$
0
0

Howlgalkii saaka ay Ciidamda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen Degmada Wadajir ayaa waxaa looga gol lahaa xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho kaas oo ku saleysan qorshaha Dowladda Soomaaliya dajisay oo ahaa in la xakameeyo hubka aan ku jirin gacanta Dowladda Soomaaliya kaas oo ay dhowaan meel mariyeen golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

howlgalka markii uu soo gabagaboobay ayaa saraakiisha Amniga oo howlgalkaasi horkacayay waxaa ay soo bandhigeen hub noocyo kala duwan oo sida ay sheegeen lagu soo qabqabtay howlgalka saaka ay sida wadajir ah u fuliyeen Ciidamda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Baliiska, Militirga oo kaashanayay AMISOM kaas oo laga sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Taliyaha guutada koowaad ee AMISOM oo shirjaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in howlgalkii maanta uu guul ku soo dhamaaday isla markaana laga gaaray u jeedkii laga lahaa, waxaana uu meesha ka saaray in howlgalkan uu shakhsi gaar ah lagu bar tilmaameed sanaayay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in iska hor imaadkii maanta ka dhacay Degmada Wadajir uu sabab u ahaa markii Ciidamada howlgalka fulinaayay rasaas lagu bilaabay taasina ay keentay in Ciidamda Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay iska cabin sameeyaan asagoo sheegay in Ciidamda AMISOM ay qasaare dhaawacyo ah ka soo gaarta is rasaaseyntii maanta ee Degmada Wadajir.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howlgalka uusan ku wajahneyn oo kali ah gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci hase yeeshee uu yahay mid Amaanka lagu adkeynaayo iyadoo la raacaayo awaamiirta Madaxda Qaranka Soomaaliya.

Afhayeen Maxamed Yuusuf ayaa intaa ku daray in Axmed Daaci uu yahay shakhs in badan ka soo shaqeeyay adkeynta amniga Degmadan marna aysan suurtagal aheyn in la weeraro dadka sidaaa u fakaraayana ay xaqiiqada ka fog yihiin.

gg vlcsnap-2014-08-15-15h07m08s541 vlcsnap-2014-08-15-15h08m26s541 vlcsnap-2014-08-15-15h08m50s421 vlcsnap-2014-08-15-15h09m21s821 vlcsnap-2014-08-15-15h10m16s1326


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles