Waxay ummada madaganayaasha Geeska Africa ee Soomaaliyeed Dowlad la aan ahaayeen ilaa 26/01/1991 kii markaas oo uu Madaxwayne Maxamed Siyad Barre Muqadisho isagaba baxay, waana mudo ku siman 24 sano..
Intaas kadib wuxuu soo maray wadanku dhowr dowladood oo ku meel gaar ah marka laga reebo mida hada Xamar ka talisa ee Damujadiid (Dhiiga Cusub) ay maamulaan
Hagardaamada Damujadiid (Dhiiga cusub).
Damujadiid waa koox saaxada siyaasada ay ugu horaysay 10/09/2012 kii xiligaasi oo ay dhacaysay doorashadii madaxtinimada somaliya, sida caadiga ah umada soomaaliyeed waxay aad u jecel yihiin isbedelka hadii aynu gadaal u jaleecno dowladii kacaanka ee maxamed siyad barre hogaamineeyey waxaa Jamhadihii riday ay doonayeen isbadal si sidaasi lamid ah Kooxdii siyaasada horbaadayey doorashadii 2012 kii waxay doonayeen inay M/wayne sheikh shariif sheikh axmed meesha ka saaraan hadiiba aysan ajende iyo qorshe kuu diryaarsanayn aadna ku kacdo arin saas oo kale ah waxaa kugu soo baxaya Arintan ay Damujadiid Fursada ku heleen iyo kuwa lamid ah.
Waa koox u bareertay oo aan ka gaban waxkasta oo ay ummada soomaaliyeed ka dhexeeya, Waana koox aan lahayn Aqoon durugsan, Hufnaan, karti,Wadaniyad, Aragti iyo Hogaan suuban
Waxaa hogaamiya saddex nin oo magacyadoodu hoos idinka muuqan doonaan.
- Faarax Abdulqaadir
- M.wayne Xasan culusow
- Abdikarim guuleed
Waa 3 shaqsi oo lahayn aqoon, hufnaan, karti, wadaniyad, aragti iyo hogaan suuban way adagtahay inay hogaamiyaan wadan somaliya oo kale ah una baahan arimahaan hoos ku xusan
- Dib heshiisiin qaran
- Dhisme ciidan(boolis military iyo nabadsugid)
- Hub ka dhigis iyo dhaqan celin
- Dhisme qalaale (lacagtii,BANKS, iwm)
- Haayadihii Dowlada (baarlamaankii, garsoorkii, iyo fulintii )
- Hirgalintii federalismka iyo dhismihii maamulada iyo
- La xajoodka maamuladii awal jiray sida (Puntland iyo SOMALILAND)
Dhamaan hawlahaan iyo kuwa kale oo badaniba waxay horyaalan damu jadiid oo marna aqoon iyo karti ay ku maamulan aan lahayn marna marna aan ahayn koox wanaag lagu bartay
Damu jadiid Talaabadii ugu horaysay ee ay qaadeen waxay ahayd inay badalaan Dastuurkii federalka kana saaraan uguyaraan 24 qodob ku dhaqankiisiina meel ayey iska dhigeen,waxay si toos ah uga horyimaadeen maamulka Jubaland oo ah maamul Dastuuri ah buuxshayna shuruudihii laga rabay oo ah “2 gobol iyo wixii kabadnai waxay samaysankaraan maamul” arintaas oo kayaabisay umadii somaliyed inteeda fayaow
Waxay dagaal toos ahoo sababay dhimasho dhaawac iyo baracba la galeen jubaland, Waxay shaqo ka dhigteen kala fogaynta iyo kala faquuqa umada awalba kala shakisanayd waxay ku fashilmeen aminigii xamar oo kaligeed ay joogaan ,waxay faro galin toosa ku sameeyeen R/wasaariihii la soo magacaababa waxay heshiis qarsoodi ah la galeen maamulka waqooyi galbeed (S/LAND ) midaasi oo aan wixii ka soo baxay la soo marsiin Baarlamaanka somaliyeed
Waxay sameeyeen maamul goboleed ay ugu magic dareen g/dhexe (centel somaliya) waxay ku caan bexeen shaabadna u noqotay musuqmaasuq baahsan dhaxa iyo boobka hantida umada somaliyeed wixii k haray boobkii lagu hayey ilaa 1991 ilaa 2012 kii oo ay xilka qabsadeen iyo faragalinta iyo nacaynba ay u hayaan umada reer puntland waxay weerar ba’an ku qaadeen lacaghii aduunka yaalay ee ay ka dhacday dawladii maxamed siyaad barre
Wuxuuna ka hor imaanayaa qodobka 50 aad ee Dastuurka Federalka Soomaaliyeed
Waxayna u baahan yihiin Damjadiid in lala xisaabtamo islamarkaana ay muhiim tahay in lala socdo oo isha lagu hayo dhaq dhaqaaq walba oo ay samaynayaan.
Ismoogaysiinta Shirqoolka Damu Jadiid ee Madaxweyne Gaas :-
M/wayne Abdilwali Maxamed Cali Gaas wuxuu si toos ah ugu bareeray inuu la shaqeeyo lana heshiiyo kooxda aan kor kusoo xusnay habdhaqankooda wuxuuna la galay heshiis qarsoodiya ka dib markii uu kaga qeyb galay Muqdisho Aaskii Ra,iisal wasaarihii horre ee Somalia C.rasaaq Xuseen, oo markaas laga joogay muddo bil ku siman doorashadii Puntland.
Maxaa soo dedejiyey burburka heshiiskaas ?
Iyadoo heshiis u dhexeeyo labada kooxood ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo C.wali Cali Gaas (Isbedel doon) waxa mar qura Xamar lagaga dhawaaqay maamul gobolleed cusub oo lagu magacaabay Gobolladda dhexe kaas oo la sheegey in lagu mideynayo Galmudug, Xibin iyo Xeeb, Ehlu sunna waljamaaca islamarkaana loo isticmaalay inuu ka kooban yahay maamulkoodu magaca Gobolladda Mudug iyo Galgaduud.
Madaxweyne Gaas oo horey heshiis midkaas soo shabaha balse aan la faahfaahin horey ula galay Madaxweynihii horre ee Galmudug Maxamed Axmed Caalim ayaa laf dhuun gashay ku noqotay Siyaasada Xukuumada cusub ee uu hogaaminayo Prof Gaas, taas oo shacabka uga jawaabi weysay si run ah heshiisyadii uu horey u saxiixay xilligii uu Ra,iisal wasaaraha Ahaa Madaxweyne Gaas iyo Kuwa hadda soo shaac baxay ee Kooxda Damjadiid gadaal ka riixayso.
Waxaa kale oo qayb wayn ka qaadatay isku dhaca 2 dhinac iyadoo ay ka baxeen kooxda Damujadiid heshiis ay wada galeen Prof Gaas markuu u sharaxnaa kursiga Madaxtinimada Puntland ayay taasi keentay inuu isu soo sharaxo mar kale Madaxweyne Gaas doorashada Setemper 2016 kursiga Dowlada Federalka Somalia, halka beesha caalamkuna ku cadaadinayso aqbalaada heshiiska maamulka Gobolladda dhexe ee Madaxweyne Gaas. “La arki doonaase meesha ay sal dhigato “
Damujadiid iyo Khaatumo state:-
Waxay Damujadiid ku caan bexeen hagardaamda iyo shirqoolka ay ku waxyeelayaan Dowlada iyo Shacabka Puntland , waxaana shaki ku jirin inay geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuushan yihiin sidii loo kala furfuri lahaa midnimada dadka Puntland , waxaana muuqata in uusan midaas dareemin Madaxweyne Gaas dhibaatada ka imaan karta iyo Sida hadhow wax looga qaban karo.
Damjadiid waxay taageero dhinacyo badan leh u fidisay Khaatumo , taas oo ay sababteedu la xiriirto ujeedooyin dhinac badan leh islamarkaana qof walba oo caqli leh uu isku weydiinayo sababta ay Damjadiid u taageereyso Khaatumo ? bal adba !
Waxaana sida la ogsoon yahay ay hor istaageen bedelkeeda Damu jadiid dhismihii maamulka Jubaland halka ay ka hor yimaadeen dhismihii maamulka ka koobnaa saddexda Gobol ee kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelada hoose , waxayna taasi jawaab kaa siinaysa sida aysan wanaaga raali uga ahayn kooxda uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud .
Waa maxay ujeedada ay ka leeyihiin Damujadiid Ee Puntland ?
Waxaa iska cad oo aan u baahnayn falanqayn iyo faagfaagid midna inay loo tafaxaytay wiiqida awooda Puntland. Ama Damujadiid dheh ama SOMALILAND dheh ama beesha caalamka dheh ama siyaasiyiin reer puntaland ah oo fikir dheerlahayn ba dhaohoo. Arintaasi waa cadaan
Waxayna doonayaan inay khaatumo laga dhigo sool iyo sanaag halka mudugna G/dhexe lagu daray puntlandna lagu koobo Nugaal iyo bari waa sida ay qorshuhu yahay ama ay u muuqato
Dr.gaas oo asagu laftiisu ka soo jeeda G/MUDUG laguna daray G/dhexe see xalku ku noqon doonaa? Waayo intaas hawloodba waa horyaalaan Siyaasadiisuna waa isbadal doon maahan mid fog?
Maxaa xal u ah Gaas ?
Waxaa Dr.Gaas horaal dhamaan hawlaha aan soo xusnay mana jirto qaab ay fududahay in loo xaliyo marka aynu ka imaano isu tanaasul iyo gorgortan
Tusaale ahaan Khaatumo waxay state iyo puntland hadii ay miiska wada hadalka yimaadaan waa Dr.Galayr iyo Dr.Gaas ba ka tanaasulaan wax yaabo badan si laysugu soo dhawaanayo.
Waa inuu federal ka iyo beesha caalamka ku qanciyo in laga saaro Maamulka G/dhexe G/mudug hadii kale aysan ahayn mid xalaal ah
Inuu isticmaalo siyaasad wax ku ool ah oo cad iyo aragti dheer si uu uga boxo Dhaabta uu ku jiro
Muxuu xaabsade u soo kordhin karaa oo lataabkaraa?
Xaabsade wuu ka duwan yahay sidii uu ahaa 2007 midaasi sahashay in si fudud ay laascaano uga baxdo gacanta puntland balse hana waa siyaasi ruug cadaa ah saamayntiisana leh, balse waxkasta oo uu soo kordhin lahaaba waxaa ka soka maray maamul la aqoonsan yahay oo xalaal ah Midaasi oo culuskeeda wadata Gaasna hortaal.
Gabagabo:-
Waxaan fikir ahaan kula talin lahaa M/wayne Gaas meesha loogama baahna qaabka ay hada wax u wadaan ee waxaa loo baahan yahay siyaasad cad iyo aragti fog. Dad aqoon wanaagsan uleh hawsha meesha taal dadkaan qurbaha ku soo wareeray ee xafiisyada dhooban ma u baahna hawshu. Isla xisaabtan, shaqayn,Turxaan bixin iyo inan waxba la kala qarsan uuna M/waynuhu kawaantoobo heshiisyada qarsoodiga ah ee uu galayo .
Fiiro Gaar Ah:-Maqaalkani wuxuu Gaar u yahay Masuulka ku Saxiixan Warbaahinta Raadreeb.com Masuul kama ahan ee Aragtida Masuulkan ayaan Xeerinay.
W/Qorey: ENG Daahir Abshir Faarax (Daahir jeer)
E-mail abshir00@hotmail.com
Islamabad, Pakistan.