Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inuusan qorshaha maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galguduud uu yahay mid aan wax saameyn ah ku yeelan doonin maamulka Puntland.
Ergeyga xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in heshiiskii dhowaan magaalada Muqdisho lagu saxiixay uu yahay mid aan dhaawacaynin lahaanshaha dhuleed ee Puntland iyo weliba midnimadeeda.
“waxan u cadeynayaa hoggaamiyaha Puntland Mr C/weli, in heshiiskaasi aanu dhaawacayn lahaanshaha dhuleed ee Puntland iyo midnimadeeda, wuxuu saameyn doonaa dhulka koonfurta Mudug ee horay qaybta uga ahaa maamulka Gal-mudug, waa arrin iska cad…” Danjire Kay ayaa sidaas yiri.
Dhowaan ayuu sheegay inuu booqan doono magaalada Garoowe, si uu arrintan ugala hadlo madaxda ugu sareysa Maamulka Puntland, isagoo xusay in rajada uu ka qabo in xaaladda sideedii hore lagu soo celiyo ay tahay mid aad u weyn.
“waan danaynaynaa inaan dejino xaaladda oo aan ka caawinno labada dhinac ee Dowladda Dhexe iyo maamulka Garoowe sidii ay usii wadi lahaayeen xiriirkooda wada shaqayneed…Puntland waa xubin muhiim ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka islamarkaana aqoonsan hirgelinta qorshaha la higsanayo sanadka 2016-ka, waxayna muhiimad gaar ah u leedahay Soomaaliya oo dhan…”
Kaddib markii dhamaadka bishii July ee lasoo dhaafay [30/7/2014] magaalada Muqdisho lagu kala saxiixday heshiiska maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo ka kooban Gal-guduud iyo Mudug, maamulka Puntland wuxuu shaaciyey in gebi ahaanba uu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Maamulka Puntland wuxuu wada-tashi ugu yeeray dhammaan xubnaha kasoo jeeda deegaannada Puntland ee ku jira Dowladda Federaalka, kuwaas oo ilaa 15-ka bishan Agoosto oo ku beegan maanta oo Jimce ah loo qabtay inay magaalada Garoowe kusoo xaadiraan.