Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Burburka diyaaraddii Algeria oo la Helay.

$
0
0

Waxaa dalka Mali laga helay burburka diyaaraddii laga lahaa Algeria ee la waayay Khamiistii shalay ahayd xilli ay dulmareysay hawada Waqooyiga Mali.

Diyaaradda oo kasoo duushay caasimadda Burkina Faso kuna socotay caasimaddaa Algeria ayaa siday 116 qof, oo 51 ka mid ah ay u dhasheen dalka Faransiiska.

Diyaaradda ayaa raadaarka ka luntay kaddib markii uu duuliyaha codsaday in uu dhabo kale qaado, dabeylo xooggan oo jiray awgood.

Telefishinka Qaranka ee Mali ayaa xaqiijiyay in burburka diyaaradda laga helay tuulo lagu magacaabo Boulikessi.

Gilbert Diendere, oo ah Janaraal ka tirsan ciidammada Burkina Faso, ayaa sheegay in dhammaan rakaabkii diyaaradda la socday ay dhinteen.

Diyaaradda oo kasoo duushay caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou, kuna socotay caasimadda Algeria ee Algiers, ayaa xiriirka lumisay markii ay hawada ku jirtay 50 daqiiqo.

Dhanka kale, dowladda Burkina Faso ayaa furtay xarun caawimaad nafsi ah loogu fidinayo dadka ay eheladooda saarnaayeen diyaaradda la la’yahay ee dalkaasi ku nool.

27 qof oo ka mid ahaa rakaabka diyaaradda ayaa u dhashay Burkina Faso.

140211195704_algeria_plane_crash_512x288_ap_nocredit

 

Source:-BBC.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles