Labo cunug oo ugu geeriyooday baraag ay ku dheceen magaalooyinka Xidda iyo Waaciye.
Wararka aan ka helayno deegaanada xidda iyo waaciye oo ka tirsan gobolka karkaar ee
deegaanada Puntland ayaa sheegaya in waqti aan aad u kala fogayn shalay Galab ay ugu geeriyoodeen baraag biyood ay ku dheceen.
Cunuga Xidda ku Geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Zekeriye Cawil Yaasiin Toodho,halka cunuga Waaciye ku dhintay Magaciisa lagu Sheegay Cabdicasiis Axmed Xirsi .
Lama oga ilaa hadda sababaha keenay in ay ku dhacaan caruurtani baraagahan laakiin waxaa loo sababynayaa in baraaguhu badanaa aysan lahayn albaab iyo xayndaab ka celiya xoolaha iyo caruurta in ay galaan baraagahan aadka u waawayn ee keena sanadwalba dhimashad caruur haween iyo dhamaan dadka aan aqoon xirafadda dabaasha.
Hadaba maxaa lays oran karaa waxay u noqon kartaa dawo si looga badbaado khatarta ay leedahay baraagahan afka ka banaan ee keenaya khatar dhimasho iyo walwal soo wajaha bulshooyinka ku nool meelaha ay ku badanyihiin baraagaha noocan oo kale ah:
Waxay ila tahay in lagu soo urinkaro dhowrkan qodob oo kala ah:
1. In laga wacyi geliyo dhamaan bulshada khatarta ay leeyihiin biyaha ku jira
baraagahan.
2. In loo sameeyo xaydaab iyo albaab aanay suurta gal ahayn in ay galaan da’a yarta iyo
xoolububa.
3. in lagu wacyi geliyo bulshada qaybeheeda kala duwan barashada dabaasha si ay u
badbaadaan ama cid u badbaadiyaan markii khatartan oo kale ay timaaddo.
4. In lagu sameeyo calaamado meelaha ay baraagtu moolka u yihiin si laysaga ilaaliyo.
5. Ugu danbayntii in la helo dad u tababaran badbaadinta iyo u gurmashada markii
dhibkan oo kale timaado ilaahay baa wax badbaadiyee.