Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Magaalada Mombasa Oo Xalay Lagu Dilay Haweeney U Dhalatay Dalka Jarmalka(Sawiro).

$
0
0

Niman hubeysan ayaa  waxay Magaalada Mombasa ay ku dileen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka, xilli ay Khamiistii uun gaartay Magaaladaasi.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa haweeneydaan iyo in u dhashay dalka UGANDA ku toogtay wadada Kuze, xilli ay iska soo raaceen Magaalada Nairobi. Waxayna haweeneyda Jarmalka u dhalatay u geeriyootay rasaastii lala dhacay, halka ninka Uganda u dhashay uu isna ku dhaawacmay.

Raggaan, ayaa waxay weerarkaan kadib ka baxsadeen wadada Kuze, iyadoo Boolisku ay gaareen daqiiqado kadib, mana suurta gelin inay gacanta ku soo dhigaan kuwii dilka iyo dhaawacaba geystay.

Henry Ondiek, Madaxa Dembi Baarista ee Magaalada Mombasa oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay soconayaan baaritaano ka dhan ah labadii nin ee fal dembiyeedkaan geystay.

Horaantii bishaan, ayaa waxaa Magaalada Mombasa lagu dilay haweeney kale oo u dhalatay dalka Ruushka, iyadoo ayna baxsadeen rag bistoolado ku hubeysnaa oo dilkeedii geystay.

713487da

Kenya waxay la foollaneysaa weerarada ku soo badanaaya Gobolka Xeebta leh, xilli Madaxda Kenya ay ka biyo diideen in Ciidanka Kenya laga soo saaro Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Source:-Universal.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles