Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Ciidanka Qalabka Sida Oo Sheegay In Dad La Tuhunsan Yahay Loo Soo Qabtay Dilkii Saado Cali Warsame.

$
0
0

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday inay jiraan dad la tuhunsan yahay, oo loo soo qab qabtay dilkii Saado Cali Warsame.

Gudoomiyaha waxa uu iftiimiyay in laamaha ammaanka ay ku guda jiraan baaritaanada ku aadan, cidii ka dambeysay dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame, oo Arbacadii lagu dilay Bartamaha Magaalada Muqdisho.

“Hay’adaha amniga baa hawlahaa ku jira, waxayna ii sheegeen inay daba gal ku jiraan, meel fiicana u mareyso, dad badan oo lagu tuhunsan yahayna ay hayaan. Iyaga baana ka sugeynaa.” ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida.

Gudoomiyaha waxa uu Shabaabku ku eedeeyay inay indho tirayaan xubnaha ugu muhiimsan bulshada Somaliyeed, isla-markaana aynaan jirin cid ay nolol ku dhaafayaan.

“Fanaanadaasi Somaliyeed ee Xildhibaanada ah dadkii dilay iyadoo sooman, dadkaas weeye Shabaab qof ay cafinayaan aysan jirin, oo gabadhii dilaaya, odaygii dilaaya, oo aqoonyahankii dilaaya, Siyaasigii dilaaya, oo bulshadii indho tiraaya.” ayuu yiri Gudoomiyaha.

C/raxmaan Tuuryare oo la hadlay Idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga, ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan, nin kasta oo ka tirsan Shabaabka, kolka loo soo gacangeliyo.

Gudoomiye-Tuuryare-618x465


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles