Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu galabta xukun qisaas ah uu ka fuliyay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay ku eedeeyeen basaasnimo.
Labada nin ee la qisaasay, ayaa wuxuu xukunkooda ka dhacay Fagaaraha Degmada Baraawe, iyadoo ay soo buuxiyeen boqolaal ka mid ah dadka deegaanka.
Qaadiga Maxkamada Degmada Baraawe, ayaa wuxuu ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu xukumay labadaan nin, oo sida la sheegay laga qabtay deegaanada ay ka arrimiso Al Shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu dhinaciisa sheegay in raggaan ay la shaqeynayeen waxa uu ugu yeeray cadowga.
Sheekh Abuu Cabdalla waxa uu ka digay in loo jaajuuso cadowga ku soo duulay buu yiri dalka, haddii kalana ay tallaabo adag ka qaadi doonto Al Shabaab, sida uu ku goodiyay.
Labada nin ee dilka lagu fuliyay, ayaa waxaa soo baxaaya inay ka tirsan yihiin Shabaabka uun, kadib markii dhexdooda la sheegay in uu kala shaki soo kala dhex galay.