Ugu yaraan 4 nin oo Soomaali ah, ayaa waxaa lagu xiray Xarunta Uganda ee Magaalada Kampala, xilli lala xiriiriyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
4-ta nin ee la xiray, ayaa waxaa mid ka mid ah la soo sheegayaa in uu heysto dhalashada dalka Ingiriiska, isla-markaana uu Boolisku gacanta ku haayo baaritaano ku aadan.
Qoraal uu soo saaray Booliska dalka Uganda, ayaa waxaa lagu cadeeyay in la baaraayo afarta nin ee ka soo jeedo dalka Soomaaliya, waxa ka jira tuhunka loo heysto.
Booliska Uganda, ayaa marar badan sii daayay dad looga shakiyay Shabaabnimo, ka gadaal markii lagu waayay cadeymo ka dhan ah Al Shabaab.
Uganda waxay ka feejigan tahay weeraro argagaxiso oo ka dhaca dalkeeda, iyadoo Mareykanka uu Uganda ku booriyay inay sare u qaado feejignaanteeda la xiriirta Al Shabaab.
Saraakiisha Al Shabaab, ayaa waxay ku goodiyeen inay weeraro ka fulin doonaan dhammaan dalalka, ay Ciidamadooda Militariga ka jooggaan dalka Soomaaliya.