
Dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan,si gaar ahna bahda Warbaahinta in aanay
Baarlamaanka Soomaaliya iticmaalin bogagga laga sameeyey baraha Facebook
iyo Twitter ee magaca Baarlamaanka looga been sheegay.Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Buux ayaa yiri “
waxaan doonayaa inaan umadda Soomaaliyeed u sheego iney been abuur yihiin
bogagga lagu sameeyey magaca Baarlamaanka ee ku jira Facebook iyo Twitter
inaanay Baarlamaanku laheyn ee ay yihiin kuwa been abuur ah oo magaca
Golaha Shacabka looga been sheegayo”
Waxaan sidoo kale ku wargelinayaa umadda Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba in
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaliya uu leeyahay hal bog oo si rasmi
ah afkiisa uga hadla islamarkaana ay ku jiraan shuruucda iyo howlihii kale
ee Baarlamaanku qabtay waana www.parliament.gov.so ,wax kale oo bog ah
mas’uul kama nihin.
Ugu dambeyntii waxa uu uga digay kooxaha caadeystay iney ka been sheegaan
magaca Baarlamaanka ee bogagga ku sameysta iney ka digtoonaadaan falalkaas
oo ay Alle uga baqaan.
Linkiga Muuqaalka Xoghayaha Guud Hoos Ka Daawo:-
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so