Boqolaal weriyayaal ah ayaa isugu soo uruuray London si ay cabasho uga muujiyaan xukunka toddobada sano ah ee lagu riday saddex weriye oo ka tirsan telefishenka al-Jazeera xukunkaas oo ay riday maxkamad ku taalla dalka Masar.
Maxkamada ayaa dambi ku heshay Peter Greste oo u dhashay dalka Australia, Mohamed Fahmi iyo Baher Mohamed, oo lagu eedeeyey in ay faafiyeen war been abuur ah.
Saddexda weriye waa ay beeniyeen dacwadaha lagu soo oogay waxaana la filayaa in ay racfaan ka qaataan xukunkaasi.
Madaxweynaha Masar Abdul Fataax al-Sisi ayaa talaadadii sheegay in aanu faragelin doonin go’aanka ay gaartay maxkamada, oo uu ku tilmaamay mid madax banana.
Cambaareyn caalami ah ayaa looga jawaabay xukunkaas oo lagu tilmaamay mid laga noxo isla markaasna loo arko in uu yahay mid caburinaya xoriyadda saxaafada
Cabashaada Weriyayaasha:-
Shaqaalaha BBC-da oo ay weheliyaan weriyaal kale oo ka socda warbaahinada kale ee caalamka ayaa xarunta BBC-da ee London isugu yimid, waxayna halkaas ka sameyeen hal daqiiqo oo aamusnaan ah.
Sawirada weriyaasha BBC-da ee caalamka ayaa laga baahiyey telefishenka BBC-da, iyadoo qaarkood uu afka dabooshay, sitana qoraalo ay ka mid yihiin ‘wariyenimadu dembi ma aha”.
Agaasimaha wararka ee BBC-da James Harding ayaa sheegay in xukunkaasi uu cadaalad darro yahay. Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Qaahira ayaa sheegaya in in kastoo si xooggan loo cambaareeyey xeriga weriyayaasha, in haddana warbaahinta Masar ayaa si ka gedisan sidaasi.