Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Xasan ayaa maanta socdaal aan horay loo shaacin ku tagay degmada Taleex oo ka tiran deegaanada Puntland.
Wasiir Xisri oo la hadlay BBC galabta ayaa ku guudiyay Degmada Taleex inay ka tirsan tahay deegaanada Somaliland ayna u tageen sidii loogu guur gali lahaa xaalada ay dadka ku nool ku sugan yihiin iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaskaasi.
Xirsi ayaa sheegay Cuqaasha iyo waxgaradka Taleex inuu la kulmay kalana hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin beelo kusoo kala gaaray Taleex iyo sidii nabada looga shaqayn lahaa isagoo hadlaya ayuu yiri”waxanu qaramaynay ilaaa 150ciidan ah oo qalabkoodii wata waxanu keenay 15-kun oo kiitaal oo raashin ah”.
Ciidamo hubaysan oo Somaliland ka socda ayaa ku sugan duleedka waqooyi ee magalada Taleex kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa waxayna Madaxtooyadda Hargaysa sheegtay Gobalka Sool inuu ka mid yahay Somaliland isla markasna aan wax gor gortan ah laga gali karin.
”Waxanu xoojinaynaa mamulka ,dadka deegaanka iyo rabitaankooda ayaan xoojinaynaa waxanu jecel nahay inaysan ciidamayada cid kale isku dhicin,cid nagu qasabtayna ma jirto ”Xirsi Xaaji ayaa yiri.
QM ayaa dhinacyada isku haya Taleex ugu baaqday inay isaga baxaan halkaasi si xasiloonida dadka looga shaqeeyo balse jawaabo kala duwan ayay Puntland iyo Somaliland ka bixiyeen iyagoona kala sheegtay Gobalka Sool.
Puntland ilaa iyo hada wax war ah kama aysan soo saarin socdaalka wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ay ku joogaan degmada Taleex oo Puntland ka tirsan iyadoona maalmihii ugu danbeyay ciidamo maleeshiyo ah ay dhaq-dhaqaaqyo kala duwani ay halkaasi ka wadeen.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ”Gaas” waxaa isi soo tarayay duulaanta iyo qaylada mamulka Somaliland ay ku hayaan gobalka Sool iyadoona taariikhda markii ugu horaysay ay noqotay in madaxwayne Somaliland uu socdaal ku tago degmada Laasqoray oo ka tirsan dhulka Puntland.