Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo shaqo Joojin Sameeyey.

$
0
0

Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan DF isla markasna kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa maanta shaqo joojin sameeyay iyadoona arrintooda ay dabo socotay heshiiskii shalay lagu mideeyay mamulada isku haya mamulka Koonfur galbeed.

Amarka ay shaqada ku joojiyan masuuliyiintan ayaa kasoo baxay qaar ka mid ah Odayaasha Hawiye oo sheegay inaysan raali ka ahayn qaabkii heshiiska shalay Muqdisho loogu galay.

Nabadoon Maxamd Xasan Xaad oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inaysan aqbali karin go’aanka lagu xaliyay dhinacyada Baydhabo isku haya,wuxuna ku guudiyay inay shir iskugu imaan doonan kana soo saari doonaan go’aan midaysan.

Xaad ayaa sheegay Labada Shabeelo inuu mamul u dhisan yahay kaasna ay taaguzeersan yihiin balse waxa uu sheegay inaysan marnaba taageeri doonin heshiiska iyo mamulka KMG ah ee saddexda gobal laga dhigay.

Arrintan ayaa waxay dhabar jab wayn ku tahay Madaxwaynaha DF oo ku fashilmay inuu xal waara u raadiyo gobalada Shabeelooyinka,Bay iyo Bakool maadama ay heshiiskii shalay ka hor yimaadeen beesha uu kasoo jeeda.

Xiisad siyaasadeed ayaa docda kale ka aloosan magalada Baydhabo iyadoona heshiiska Xamar lagu saxiixay lagu kala aragti duwan yahay.

Madoobe Nuunow oo sheegtay inuu yahay madaxwaynaha Lixda gobal ayaa warbaahinta u sheegay inaysan waxba ka khusayn heshiiska 11-ka doqob ah ee shalay lasoo saaray wuxuna sidoo kale sheegay inay shacabka gobaladaasi ay doorteen xaqna ay ku taagan yihiin.

Waxa uu beeniyay Nuunow inuu shirkaasi u matalayay Cabdifutaax Geeseey dhankooda aysan cidna u joogin taasina ay cadayn u tahay inuusan ahayn mid lagu dhan yahay waa sida uu sheegay.

QM iyo Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go’aanka lagu xaliyay mamulada iska soo horjeede ee Baydhabo balse lama garan karo xaaladu sida noqon doonta maadama laga hor yimi heshiiskii shalay.

unnamed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles