Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Raila Odinga Oo Sheegay Weerarada Ka Dhacaaya Gobolka Xeebta Inaysan Waxba Ka Khusayn Siyaasad.

$
0
0

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya ahna Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee CORD Raila Odinga, ayaa wuxuu diiday inay arrimo Siyaasadeed la xiriiraan weerarada ka dhacay Gobolka Xeebta.

Hogaamiyaha Xisbiga CORD oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Mombasa, ayaa hadal aan dareen lahayn ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Madaxda Dowladda Kenya, ee la xiriira in arrimo Siyaasadeed la xiriiraan weerarada ka kala dhacay deegaanada Mpeketoni iyo Poromoko.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu liito helitaanka illaha wareed ee Sirdoonka Kenya, kadib markii uu sheegay in Reer Galbeed helayn macluumaad la xiriira, weerarada ka dhanka ah Gobolka Xeebta, isla-markaana ay Britain albaabada u laabtay Qunsuliyadeeda Magaalada Mombasa.

Raila Odinga, ayaa soo hadalqaaday in durbaba ay weeraradaan Masuuliyadoodu sheegatay Al Shabaab, taasina ay muujineyso sida uu sheegay inaanay la xiriirin arrimo Siyaasadeed.

Hay’adda Sirdoonka ee Kenya, ayaa wuxuu ugu baaqay inay horumariso Sirdoonkeeda ku aadan, tallaabada ay kaga hortageyso weerarada ay geysaneyso Al Shabaab.

Raila Odinga wuxuu shacabka reer Kenya uu ugu yeeray inay halmeel kaga soo wada jeestaan, weerarada kaga imaanaaya dhinacyada ka soo horjeedo xasiloonida Qarankoodu.

 Prime-Minister-Raila-Odinga

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369