Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya waxa uu ka hadlay weeraradii ugu dambeeyay ee labadii habeen ee la soo dhaafay ka kala dhacay deegaanada Poromoko iyo Mpeketoni ee Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.
Madaxweynaha oo maanta khudbad dadka reer Kenya kaga jeediyay Telefishinka Qaranka, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inaysan weeraradaan wax shaqo ah ku lahayn Ururka Al Shabaab.
“Weeraradaan kama dambeyso Al Shabaab sida aan ognahay ilaa iyo hadda” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo laga dhadhansan karay, sida uu kaga carooday weeraradaasi.
“Shabakado Siyaasadeed oo deegaanka ah, ayaa ku lug leh weeraradaan oo dano Siyaasadeed ka damacsan, waxa ay ka wadaan Gobolka Xeebta.” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha, ayaa wuxuu ku goodiyay inaanay dadka reer Kenya cabsi iyo miciin la’aan noqon doonin, sidii ay nabadgelyo iyo xasilooni ugu noollaan lahaayeen, iyadoo aanu muujin inay ka bixin doonaan wax jawaab ah, weeraradii ugu dambeeyay.
Uhuru Kenyatta kuma sheegin khudbadiisaan waxa shakabadaha Siyaasadeed ee dalka Kenya ka jira, ku khasbaaya inay xasilooni daro ka abuuraan dalkooda, ayna xasuuq kala dul dhacaan dadkoodu.
Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Uhuru Kenyatta, ayaa labadii weerar ee ugu dambeeyay ka dhacay dalkaasi, waxaa masuuliyadooda sheegtay Ururka Al Shabaab.