Sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugida ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa saaka lagu dilay degmadaasi waxaana ka dambeeyay koox hubeysan oo bastoolado ku hubeysan.
Kooxaha hubeysan ayaa ka koobnaa labo ruux kuwaasi oo dilka ka geystay xaafada Korontada ee degmada Wadajir waxaana dilka ka dib la sheegay inay ka baxsadeen goobtaasi.
Maamulka degmada Wadajir ayaa ku eedeeyay falkaasi inay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen inay caadeysteen inay laayeen dadka waxgalka u ah shacabka.
Cabdifataax Barre Guure gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka degmada oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in sarkaalka la dilay lagu magacaabo Caseyr wuxuuna la shaqeynayay taliska nabad sugida Wadajir.
“Nabad diidka ayaa dilay waxay ku dileen agagaarka korontada, wuxuu la shaqeynayay nabad sugida, Alshabaab ayaa dishay waa qolo caadeysatay dilka shacabka, labo ruux ayay ahaayeen waana ku raad joognaa”ayuu yiri Cabdifataax.
Guure ayaa sheegay in ciidamada maamulkooda ay wadaan baaritaano ay amniga ku xaqiijinayaan ayna ku baadi goobayaan dadkii dilkaasi ka dambeeyay.
Ammaanka Muqdisho ayaa faraha kasoo baxay labadii bilood ee lasoo dhaafay mana jirto ilaa iyo hadda qorshe cad oo lagu xasilinayo ammaanka Banaadir.