Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Mulkiilayaashii Maqaayadda Red Sea-London oo Xabsi lagu Xukumay.

$
0
0

Mulkiilayaashii Maqaayadda Red Sea ee Magaalada London Waxa lagu Xukumay Xabsi .

Labo nin oo ganacsato Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Maxamuud Aadan iyo Cabdinaasir Cali oo ah milkiileyaasha maqaayadda Red Sea ee ku taallo magaalada London ee dalka Ingiriiska ayay maanta maxkamad ku xukuntay min siddeed bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dambi la xiriira nadaafad-darro maqaayadda gudaheeda ah.

Maqaayadda ayaa lagu arkay saxarada doolliga ama jiirka, kushiinka raashinka lagu kariyo oo wasaqeysan iyo agabyo kale oo aanan nadaafad laheyn.

Waxaa laga ganaaxay shaqada muddo sanad ah, taas oo loo cuskaday inay halis geliyeen caafimaadka bulshada.

Garsooraha maxkamadda Isleworth Crown ayaa sheegay in aysan maxkamaddu helin dacwado la xiriira dad ku xanuunsaday raashinka maqaayadda, balse xukunka uu la xiriiro ilaalinta nadaafadda guud.

download

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles