Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa maanta qabsaday Magaalada Taleex ee Gobolka Sool.
Ciidankan ayaa ilaa xalay wadada abaabul xoogan oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmada Taleex oo uu ka socda shirkii 3-aad ee mamulka Khaatumo oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cali Khaliif Galayr.
Magalada Taleex ayay wararku sheegayaan inay ka baxeen ciidamadii taageersanaa Khaatumo iyo siyaasiyiin halkaasi ku sugnaa oo ay ka mid yihiin Cali Khaliif Galayr iyo Indho-sheel.
Xiisad kacsanaan ah ayaa ka jirta degmada Taariikhiga ah ee Taleex sida ay wararku sheegayaana ciidankan oo ay hoggaminayaan ciidamo maleeshiyaad ayaa Taleex u yimaadeen sidii loo fashilin lahaa shirka Khaatumo 3.
Bishii afaraad ee lasoo dhaafay 15-keedii ayay ahayd markii ay magalada Taleex soo galeen ciidamo ka socda mamulka Somaliland kuwaasoo ku sugnaa 24-saac ka dibna isaga baxay.
Ma jirto ilaa iyo hada war kasoo baxay Puntland oo ku aadan ciidamadan Somaliland ee Taleex gaaray.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) waxaa isi soo tarayay hanjabaada iyo daandaansiga ay Somaliland ka wado deegaano ka tirsan Puntland waxay ahayd taariikhda markii ugu horaysay madaxwayne Somaliland ah oo cagta dhiga magalada Laasqoray oo ka tirsan Puntland.
Madaxwayne Gaas ayaa xiligii doorashada sheegay magalada Laascaanood inaan faataxo lagu qabsan faataxana lagu soo celin doonin taasoo dadku ay ku tilmaameen hadal doorashada lagu galayay oo aan dhab ka ahayn.