Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka
Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ee ku sugan magaalada Addis Ababa
ayaa waxaa maanta qado sharaf u sameeyey Danjiraha Dowladda Soomaaliya u
fadhiya dalkan Ethiopia Danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan.
Qado sharaftan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ka sokoow wafdiga Gudoomiye ku
xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabku hogaaminayo ee Xildhibaannada ah
Danjiraha urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi
Afeey,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka dalkan Ethiopia iyo
marti sharaf kale.
Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalkan Ethiopia iyo urur goboleedka IGAD
Danjire Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo hadal kooban ka jeediyey
munaasbaddan Qado sharafta aheyd ayaa xusay in u jeedadu ay tahay in
magaalada Addis Ababa lagu soo dhaweeyo wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye
ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka.
Danjiraha urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey
oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda Qado sharafta ah ayaa
ka hadlay sida ay dalalka urur goboleedka IGAD ula socdaan hormarrada uu
ku talaabsaday Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana
uu xusay in qaabka uu u shaqeynayo Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid
mudan bogaadin iyo Hambalyo.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkan Ethiopia oo iyaguna ka hadlay
Munaasabadda Qado sharafta ah ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan qaabka
uu xiligan u shaqeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ay si
isku mid ah hoosta uga xariiqeen iney bogaadiyaan howlaha shaqo ee
Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo Munaasabadda ka jeediyey
Khudbaddii ugu dambeysay ayaa ka hadlay marxaladda dalka gaar ahaan
howlaha Baarlamaanka waxaana uu xusay in waxyaabo badan la qabtay
laakiinse Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabkaba ay ka go’antahay
in sanadka 2016ka ay dalkan gaarsiiyaan halka lagu haminayo oo ah iney ka
dhacdo doorasho.