Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Baarlamaanka Oo Addis Ababa Siminaar Ugu Soo Xeray Xildhibaannada Haweenka Ah Qaarkood(Sawiro).

$
0
0

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta si rasmi ah ugu soo
xeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia Xildhibaannada
Haweenka ah ee Baarlamaanka ku jira qaarkood siminaar u socday mudo Lix
Cisho ah.

Munaasabadda Xeritaanka Siminaarkan oo ka dhacday Hotelka Dream Liner ee
magaalada Addis Ababa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Soomaaliya
u fadhiya dalkan Ethiopia, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo
Xuquuqda Aadanaha Marwo Muno Ibraahin Abiikar,xubno ka socday QM oo
siminaarkan soo qaban qaabisay,xildhibaanno ka kala socday dalalka Afrika
qaarkood iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha guddiga Xuquuqda Aadanaha,Haweenka iyo Carruurta ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Maryan Aweys Jaamac oo
hadal kooban ka jeedisay gebagebadii siminaarka ayaa u mahad celisay
hay’adihii siminaarkan qabsoomidiisa gacan ka geystay waxaana ay kale
xustay in waxyaabihii ay halkan ku kororsadeen ee la xiriiray doorka
Haweenka ee hogaaminta siyaasadda dalka ay gaarsiin doonaan walaalahooda
kale ee aanay ka qeybgalin.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Ethiopia Danjire Axmed
C/salaan Xaaji Aadan oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasabadda
xeritaanka siminaarkan ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu kala
soo qeybgalo XIldhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya
Munaasabaddan waxaana uu dhanka kale ka hadlay doorka haweenka
Soomaaliyeed ee siyaasadda dalka iyo sida uu u kordhayo.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo jeediyey khudbaddiisa xeritaanka
ee siminaarkan ayaa ugu horeyn u mahad celiyey hay’adihii soo
qabanqaabiyey oo ay ugu horeyso UN WOMEN iyo dowladda Ethiopia oo uu uga
mahad celiyey sida ay usoo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayo ee mudada
todobaadka ah ku sugan magaalada Addis Ababa.

“Run ahaantii dareen ahaan waxaan u arkaa in talaabadan aan maanta
siminaarka ugu soo xerayo Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iney bilow fiican u tahay dar
dargelinta ku dhiiragelinta Haweenka Soomaaliyeed guud ahaanba iney si
hufan u qaataan ama u ciyaaraan doorkooda ku aadan hogaaminta siyaasadda
dalka waxaanna rabaa inaan halkaan ka cadeeyo in Gudoonka Baarlamaanka
Soomaaliya uu dhiiragelinayo iney Haweenka Soomaaliyeed qaataan
kaalintooda la xiriirta hogaaminta siyaasadda dalka maadaama ay Haweenku
yihiin tiir dhexaadka Bulshada”

IMG_6382 IMG_6383 IMG_6386 IMG_6387 IMG_6395 IMG_6398 IMG_6408 IMG_6410 IMG_6422 IMG_6425 IMG_6427 IMG_6432 IMG_6436 IMG_6442 IMG_6445 IMG_6449 IMG_6472 IMG_6503 IMG_6510 IMG_6521 IMG_6524 IMG_6526 IMG_6411 IMG_6414 IMG_6419 IMG_6452 IMG_6465 IMG_6471


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369